1 min read

Xubno Al-Shabaab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho.

Ugu yaraan saddex ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii ‘mooto ay qarax ku wadeen ay la qaraxday’ sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

Bayaan kasoo baxay taliska booliska ayaa lagu sheegay in maleeshiyadan ay xoog kusoo gudbeen bar koontorool oo lagu hubiyo gaadiidka, kadibna ay mootadu la qaraxday xilli ay boolisku ku raad joogeen.

Warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in hal qof oo rayid ah uu ku dhaawacmay qaraxan.