1 min read

Dalka Sudan oo uu wali ka socdo dagaal xooggan.

Iyadoo ay weli dagaallo ka socdaan guud ahaan dalka Suudaan, labada dhinacba, ayaa waxay soo gudbinayaan sheegashooyin baaxad leh, balse aan la xaqiijin oo ku saabsan baaxadda dhulka ay maamulaan.

Ciidamada Suudaan, ayaa sheegay in ay la wareegeen saldhigyo istiraatiiji ah, oo ay lahaayeen ciidamada baritaaridda deg degga ah (RSF) ee magaalooyinka Port Sudan, Kasala, Kadaref, Demazin iyo Kosti.

RSF ayaa dhankeeda sheegtay in 90% ay ka taliso caasimadda magaalada Khartoum, iyadoo 10% oo kaliya ay gacanta ugu jiraan ciidamada.

Waxa kale oo ay sheegeen inay gacanta ku hayaan dhawr goobood oo istaraatiiji ah oo ku yaalla Omdurman iyo Darfur, iyo sidoo kale Gegida dayuuradaha ee Merowe ee waqooyiga.

Wararka ka imaanaya Meroowe, ayaa sheegaya in xaalad degenaansho ah ay ku soo laabatay magaalada, iyadoo gaadiidka ciidamada Sudan lagu arkayay waddooyinka.