1 min read

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.+Sawirro

Warar ka imaanaya gobolka Galgaduud aya sheegaya Ciidamadda Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ay la wareegay gacan ku heynta degaanka Budbud ee gobalka Galgaduud.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal  Cabdullahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka ay maanta degaankaas si buuxda ay ugala wareegeen Alshabaab .

Sidoo kale ‘ Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa deganka aya bilabay Hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga degaankas.

Hase ‘ahaatee’ Budbud ayaa ah degaan qurux badan kuna Wanaagsan dalxiiska, waa dhul Cagaaran oo uu biyo dhigay Roobka gu’a oo ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah gobolada dalka.