March 12, 2023
RW’ Hamza “Lama aqbali karo in isbaarooyin loo dhigto qofka Soomaaliyeed ee waajibka Alle ee Xajka..”+video
Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa sheegay inaan la aqbali karin in isbaarooyin loo dhigto qofka Soomaaliyeed ee waajibka Alle ee Xajka soo gudanaya. Wuxuu tusaale u soo qaatay dowladaha deriska in qofku ku xajiyo $1,600 – halka qofka Soomaaliga la gaarsiiyo $5,500 – $6,000.
Howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada kumandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaan hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada oo ahaa Ururka 5-aad Guutada16’aad Ciidanka kumandooska xoogga dalka Somaliyeed ee Danab ayaa howlgalka waxaa ay ka fuliyeen meel udhow tuulada miido oo 26km u jirta […]
Madaxa BBC oo raalligelin bixiyay kaddib shaqo-joojin lagu sameeyay Gary Lineker.
Aggaasimaha guud ee BBC, Tim Davie, ayaa raalligelin siiyay dadka lacagaha bixiya, maalin kaddib markii hakad uuku yimid barnaamijka cayaaraha. Barnaamijyada cayaaraha ayaa meesha laga saaray daqiiqaddii ugu dambeysay shalay, kaddib markii barnaamij soo jeediyeyaasha iyo falan qeeyeyaasha ay isaga baxeen barnaamijka, iyagoo taageero u muujinaya barnaamij soo jeediyihii Match of the Day, Gary Lineker. […]
Shirkadda Aramco oo sheegtay inay faa’iidday $161 bilyan sannadkii hore.
Riyad — Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay Axadda maanta ah inay diiwaan-gelisay faa’iido dhan $161.1 bilyan sannadkii hore, taas oo muujinaysa sida qiimaha saliidda ee kor u kacay kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka adduunka. Shirkadda tamarta ee inta badan ay dawladdu leedahay, oo ah shirkadda […]
Shimbiro weerar ku qaaday Calanka Israel & Muuqaal yaab leh oo soo baxay+Daawo Video
Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya shimbiro weerar ku qaaday Calanka Israel ee ka kooban midabbada caddaanka iyo buluugga. Tan ugu yaabka badani waa inay u muuqato in shimbiruhu ay weerar qorshaysan ku qaadeen calanka maadaama ay mar qura bilaabeen inay kala dafaan laba calan oo surnayd daaradda qoys Yuhuud ah. Waxaa sidoo kale calamada ka […]
Laamaha ammaanka Gobolka Mudug oo Gaalkacyo kawada raadinaya Kooxda dishay Nabadoon Cabdi Dheere.
Laamaha ammaanka Gobolka Mudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ka sameeyay howlgal ay ku raadinayaan Dadkii ka dambeeyay dil Xaafadda Garsoor loogu geystay AUN Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi dheere). Kooxda hubeysan ee Dilka geysatay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobtu tagin Ciidamada ammaanka DG Puntland oo billaabay howlgallo ay ku raadinayaan Dadka ay ku tuhmayaan ama […]
Cudurka daacuun caloolaha oo ka dillaacay 14 dal oo Afrikaan ah.
Hey’adda Caafimaadka AdDuunka ayaa ugu baaqday Afrika in ay kordhiso dagaalka ay kula jirto xanuunka daacuun caloolaha, kaasi oo sanadkii la soo dhaafay 12 waddan oo qaaradda ah ku dilay in ka badan 3 kun oo qof. In ka badan kala bar dadkani waxa ay ku dhinteen waddanka Malaawi oo daacuun calooluhu uu ka dillaacay. […]
Xageey ku soctaa Euro 30 Million ?.
Xageey ku soctaa Euro 30 Million. Fadlan iiga jawaab Su’aalaha la xiriiro Mashruucaan. 1. Hotel Decale oo ku dhax yaal Garoonka Dayaaradaha Adan Cade, waxaa lagu qabtay Seminar 5-7 March 2023. S. (( Maxaa loogu qabtay Decale, iyada oo la heli karay Goobo ka kharaj yar?)) 2. Seminarku waxa uu hor dhac u ahaa ( […]
Nabaddoon Caan ah oo xalay lagu dilay Gaalkacyo
Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad Cabdi-dheere, xilli uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee uu kusoo dukaday. Kooxihii dilka ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, iyada oo Ciidamada ammaanka ay ku raad joogaan. Ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, […]