1 min read

Howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada kumandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaan hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo ahaa Ururka 5-aad Guutada16’aad  Ciidanka kumandooska xoogga dalka Somaliyeed ee Danab ayaa howlgalka waxaa ay ka fuliyeen meel udhow tuulada miido oo 26km u jirta Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed ayaa Warbaahinta Ciidamada qalabka sida u sheegay in howlgalka lagu dilay 7 katirsan Al-Shabaab oo uu kujiro Sarkaal lagu Magacaabi jiray Asan, sidoo kalena lagu dhaawacay 5 Xubnood oo kale.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in howlgalka oo ujeedkiisu ahaa burburinta saldhigyada Al-Shabaab ay kusoo qabsadeen 4 qori oo Ak47 ah iyo 1 qori BKM ah ayna sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.