1 min read

Laamaha ammaanka Gobolka Mudug oo Gaalkacyo kawada raadinaya Kooxda dishay Nabadoon Cabdi Dheere.

Laamaha ammaanka Gobolka Mudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ka sameeyay howlgal ay ku raadinayaan Dadkii ka dambeeyay dil Xaafadda Garsoor loogu geystay AUN Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi dheere).

Kooxda hubeysan ee Dilka geysatay ayaa baxsatay kahor inta aysan goobtu tagin Ciidamada ammaanka DG Puntland oo billaabay howlgallo ay ku raadinayaan Dadka ay ku tuhmayaan ama ka dambeeyay dilkaas.

Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug oo Koofur & Waqooyi ay ku kala sugan yihiin Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Galmudug waxa ay labada dhinac wadeen howlgallo wadajir ah oo amniga lagu sugayo.

Mas’uuliyiinta Amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa si kooban Warbaahinta ugu sheegay in ay ku raad-joogaan kooxaha dilka geystay balse ma bixin faah-faahin intaas ka badan sida haddii lasoo qabtay dad lagu tuhmayo dilkaan.