3 mins read

Xageey ku soctaa Euro 30 Million ?.

Xageey ku soctaa Euro 30 Million.

Fadlan iiga jawaab Su’aalaha la xiriiro Mashruucaan.

1. Hotel Decale oo ku dhax yaal Garoonka Dayaaradaha Adan Cade, waxaa lagu qabtay Seminar 5-7 March 2023.

S. (( Maxaa loogu qabtay Decale, iyada oo la heli karay Goobo ka kharaj yar?))

2. Seminarku waxa uu hor dhac u ahaa ( Mashruuca Daryeelka Dhalaanka) Mashuruucaa oo lagu daryeelayo Dhalaanka Somalida waxaa ku baxayo Lacag dhan 30,000,000 Euro, Sodon Million Dollar, Waxaana la soo marsiiyay Bangiga Jarmalka ee la yiraa KFW, waxa uuna soconayaa muddo Laba Sono ah. Waxaa jiro Hayado kale oo laga sugayo Lacag dheeri ah in ey ugu deeqaan Mashruuca.

S. (( Qorshaha u degan in lagu horuumariyo Dhalaanku maka badbaadayaa Musuq maasuq? ))

3. Lacagtaan waxaa la soo marsiinayaa Unicef, mashruucu waxa uu Hoos tagaa Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Waxaana ka Howl galyo Hayada Somaliya oo la yiraa: Baxnaano.

S. (( Mashuruuca noocaan ah waxa ey aheyd in uu hoos tago wasaaradda Caafimaadka ama tan Qooyska. Maxaa keenay in loo “Xiro” wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Xageey ka soo gashay Hayada Baxnaano, mise waa NGO si gaar ah loo Howl galiyay?))

4. Mashuruucaan waxaan filayay in lagu Daryeelayo Caruurta Somalida oo dhan. Laakin looguma yeerin Gobalada: Juba land, Galmudug iyo Hirshabeele.

S. (( Sadaxdaan Gobal lama socdaan Mashuruuca miyaa, mise Caruurtoodu uma baahno Daryeelka dhalaanka, mise Saamigoodii 30ka Million si kalaa loo xaliyay? ))

5. Punt land waa diiday in ey ka soo qeybgasho in kasta oo si dadban ey uga dhaxmuuqato, laakin Dhalaanka punt land in wax ka gaarayaan u maleeyn maayo, Somaliland iyana si dadban ayeey uga muuqataa.

S. (( Maxaa ugu wacan ka qeybgal la’aantooda si Toos ah?))

6. Waxaa amaan Mudan Koofur Galabeed oo si buuxda uga soo qeyb gashay una soo diratay Wasiir iyo Agaasimayaal ka socdo Maamulka Koofur Galabeed oo u doodayo Dhalaankooda.

S. (( ma wateen Qorshe u degsan oo saamiga Caruurtooda ey ku daryeelayaan?))

7. Muqdisho oo ah Halka Dhalaanka ugu badani ku tabaaleysan yahay Mashruucana laga maamulayo Cidiba kama joogin.

S. (( Maamulka Muqdisho ma ogo miyaa In uu Marti galiyo Caruurta ugu badan Dalka saamina ey ku leeyihiin Mashruucan?. Haddii aan la daryeelin Caruurta Mogadishu waxa ey noqonayaan Ciyaal weero))

((( Mashruucu waa mara ka hoos ee moogaha maqan meel ku sheeg))) .

FG: Ha u qaadan in aan Cid gaar ah u Dan leeyahay waxaan rabaa in 30kaa Million ee loogu talagalay Caruurta Somalida in aan u hello Jawaabo su’aalo aan fahmi waayay.
Hayada Jarmalka, wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Baxnaano ma jiro shakhsi aan ka aqaan ama wax xumaan ah ey igala dhexeeyso, waxaan rabaa oo kaliya in mashruucu gaaro Caruurta dhab ahaan u baahan, waddo sax ahna loo maro.

FG: Wixii ka khaldan ka sax, Wixii ka dhiman ku dar.

Caruurta Murugeysan ha laga Farxiyo. (F.S:1-8aad).

Qore: Yahya Amir