1 min read

Madaxa BBC oo raalligelin bixiyay kaddib shaqo-joojin lagu sameeyay Gary Lineker.

Aggaasimaha guud ee BBC, Tim Davie, ayaa raalligelin siiyay dadka lacagaha bixiya, maalin kaddib markii hakad uuku yimid barnaamijka cayaaraha.

Barnaamijyada cayaaraha ayaa meesha laga saaray daqiiqaddii ugu dambeysay shalay, kaddib markii barnaamij soo jeediyeyaasha iyo falan qeeyeyaasha ay isaga baxeen barnaamijka, iyagoo taageero u muujinaya barnaamij soo jeediyihii Match of the Day, Gary Lineker.

Match of the Day, ayaa lagu soo koobay 20 daqiiqo.

Lineke,r ayaa shaqada laga joojiyay, kaddib markii uu cambaareeyay siyaasadda dadka maganglyo-doonka ah ee dowladda Ingiriiska.

Balse Davie, ayaa beeniyay in dowladdu ay cadaadis ku saartay tallaabadaas.