1 min read

Shimbiro weerar ku qaaday Calanka Israel & Muuqaal yaab leh oo soo baxay+Daawo Video

Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya shimbiro weerar ku qaaday Calanka Israel ee ka kooban midabbada caddaanka iyo buluugga.

Tan ugu yaabka badani waa inay u muuqato in shimbiruhu ay weerar qorshaysan ku qaadeen calanka maadaama ay mar qura bilaabeen inay kala dafaan laba calan oo surnayd daaradda qoys Yuhuud ah.

Waxaa sidoo kale calamada ka muuqata inay cunista ku dhameeyeen oo ay wax yari kasoo hareen sidii ay afka ugu jarjarayeen.

Waxaa calanka ka ag hadlaysa haweenay ku hadlaysa afka qadiimiga ah ee Cibraaniga ee ay Yuhuuddu ku hadasho.

Halkaan ka Daawo: