1 min read

Afhayeenka Al-Shabaab Oo Digniin Culus U Diray Bangiyada Iyo Shirkadaha Somaliya

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa uga digay bangiyada iyo shirkadaha ganacsi iney dowladda la wadaagaan xogta hantida macaamiishooda, isagoo sheegay in cidii falkaasi ku dhaqaaqda ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Cali Dheere oo fariin muuqaal ah soo diray ayaa sheegay in Bangiyada iyo shirkadaha looga baahan yahay iney ilaaliyaan hantida dadka wax u dhiibtay, isagoo ka digay cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan” ayuu yidhi Afhayeenka Shabaab Cali Dheere.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab ayaa dhanka kale ka hadlay hindise Sharciyeedkii Cunaqabateynta Maaliyeadeed ee cayiman ee uu dhawaan asnixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo qiray in hadafka laga leeyahay uu yahay sidii Mareykanka ay ula wareegi lahaayeen hantida ummadda Soomaaliya.

“Waa qorshe ay dowladda Mareykanka wax badan kasoo shaqaysay, una diyaarsatay dowladdii u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawlgeli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego. Waxaad ogtihiin in Mareykanka uu hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay oo waqtigaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay qalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday” ayuu yidhi Afhayeenka Shabaab Cali Dheere.

Kooxda Shabaab ayaa la rumeysan yahay iney u adkeysan weysay dagaalka dhanka Maaliyada ee dowladda ku heyso kooxdaasi, iyadoo dhawaan la xiray 250 Akoon iyo 70 Number oo lacago ugu jiray dad la tuhunsan yahay iney Shabaab yihiin