1 min read

Gud. Jaaliyada Holland oo abaal marin u sameeyey Soma Boyz

Gudomiyaha jaaliyada soomalida ee dalka Holland  Cabdulqadir Cali Nuune ayaa abaal marin casho sharaf iyo dhiira galin ah u sameyay nadiga Soma Boyz oo ka dhisan dalka Holland.

Nadigan ayaa dhawaan waxaa la rajeynayaa In ay cayaaro saaxiibtinimo ah ka qeyb galaayaa ciyaaraha  dalka Marekanka, naadiga Soma Boyz ayaa dhowr wadan oo ku yalan wa arada Yurub kaga qeyb galeen ayagoona ku soo guuleysteen koobab badan oo isku  jiraan dahab iyo qalin, bilado kale oo qaaliya

Macalin Xassan oo ah macalinka tababara kooxda samboyz ayaa waxaa uu casumaad ka helay dhigiisa Gudoomiye Feysal oo Ah bahda odayasha isbortiga ee dalka Marekanka e gobalka Minasota oo ah degaan ee soomalida ubadan yihiin.

Hadaba kulankaasi waxaa ugu dambeyntii ka hadlay korneel Cabdulaahi iyo Jumbur Cabdulqadir Mansuur iyo macalin Sidoow waxaa Abal Marino qali ah la gudoonsiiyay ciyaar yahanadii mudnaa waxaana u ku soo dhamaday jawi aad u macaan

Bashiir Jiidaal Baroow
somaliweyn Holland