27 Apr, 2024
1 min read

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo warsaxaafadeed soo saaray.

Taliska ciidamada Mareykanka ee (Africom), ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in iyagoo kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen duqeyn xagga cirka ah oo dhacday 1-dii bishan Octoobar. Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Jilib, oo qiyaastii 370 Kilomitir u jirta Koonfur Galbeed Muqdisho. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiye ka […]

1 min read

Xulka 17-jirada Soomaaliya oo ka badiyay dhigiisa Itoobiya.

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed Ee Kubadda Cagta Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine Ayaa Hambalyo u diray Guud Shacabka Soomaaliyeed, Ciyaartoyda, Macalimiinta iyo Gudigii Horkacaayay Xulka Qarankeena, Kadib guushii Galabta Aan Ka Gaarnay Dhigeena Itoobiya. Xulkeena Ayaa 9-ka bishan La Ciyaaraya Xulka Tanzaania, iyadoo xilkeena aan u rajaynayno ciyaartaas inuu ka soo hoyiyo guul wayn oo ummadda […]

1 min read

Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya oo Cape Town uga qeybgalaya shirka todobaadka shidaalka Africa.

Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Cape Town uga qeybgalaya shir todobaadka shidaalka Africa ayaa ka tacsiyadeeyay qasaarixii ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Baledweyne ee gobalka Hiiraan oo ay ku dhinteen dad shacab iyo masuuliyiin isugu jira. Wasiir Abdirizak ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay xildhibaanada ku dhintay qaraxa, gaar […]

1 min read

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan isagoo tacsi u diray qoysaska ay dadkooda uga dhinteen qaraxa. Wuxuu amar ku siiyay wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha dowladda inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay qaraxyada. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sidoo kale […]

1 min read

Ciidamada Tigrayga oo ka baxay gobolka Amxaarada.

MEKELLE — Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qeybaha ay ka haysteen ee gobolka deriska la ah, si ay uga hortagaan weerar weyn oo ka socda waqooyiga. Ciidamada dowladda taageera iyo kuwa Tigray-ga ee ay hoggaamiso kooxda TPLF ayaa dagaalkooda dib u billaabay dabayaaqadii August kadib shan bilood oo xabad […]

1 min read

Faah faahin ku saabsan Qaraxyo xooggan oo maanta ka dhacay Baladweyne.

BELEDWEYNE — Saddex qarax oo laba ay is-xigxigeen ayaa maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Goobjoogayaal ayaa u sheegay weriyaha VOA in labada qarax ee hore oo saaka dhacay loo adeegsaday baabuur, lalana beegsaday xarunta Lamagalaay oo fadhiisin u ah madaxda maamulka […]

1 min read

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay dileen mid ka mida aasaasayaashii ururka Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ahi, in lagu dilay mid ka mida hoggaamiyayaasha ururka al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee telefishanka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook ayaa intaas ku daray in hawlgalku uu […]

1 min read

Turkiga oo sheegay inay duqaymo cirka ah oo ka dhacay Ciraaq ku dileen 23 dagaalyahan oo Kurdiyiin ah.

ISTANBUL – Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay inay duqayn dhinaca cirka ah ku dileen illaa 23 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha Kurdiyiinta, ka dib markii ay hawlgal dhinaca cirka ah ka fuliyeen gudaha dalka Ciraaq. Wasaaradda ayaa sheegtay in hawlgalkani uu ka dhacay gobolka Asos ee ku yaalla dhinaca Woqooyi ee dalka Ciraaq, kaas […]