1 min read

Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya oo Cape Town uga qeybgalaya shirka todobaadka shidaalka Africa.

Wasiirka Macdanta iyo batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Cape Town uga qeybgalaya shir todobaadka shidaalka Africa ayaa ka tacsiyadeeyay qasaarixii ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Baledweyne ee gobalka Hiiraan oo ay ku dhinteen dad shacab iyo masuuliyiin isugu jira.

Wasiir Abdirizak ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay xildhibaanada ku dhintay qaraxa, gaar ahanna xildhibaan Geelle Warsame oo hormuud ka ahaa la dagaalanka Alshabaab. Wuxuu intaas ku daray in inta dhimatay ay ahaayeen ku shihiida ah “Jannatul Fardowsa ayaan Allah uga baryayaa, intii ku dhaawacantana waxaan Alle uga rajeynayaa inuu u booga dhayo”.

Intaas kadib, Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu kamid-yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya Maxamed Xaanshi Carabey oo shir heer caalami ah oo looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Africa uga qeybgalay magaalada Cape Town ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta waxaa uu sheegay in shirka ay ka qeybgalayaan ilaa 40 wasiir oo ka kala socda dalalka Africa iyo 400 qof oo ah madaxda shirkadaha soo saaro shidaalka.

“annaga ahmiyad gaar ah ayuu noo leeyahay, waxaa looga hadlayaa sida Africa ay isugu filnaan karto dhinaca tamarta iyo sidii aan ku soo jiidan-laheyn, dad maal gashta kheyraadka dalkeenna ku jira”.

shirkan oo socon doono maalmaha soo socda ayaa ah madal ay ku kulmaan maalgashadayaasha caalamiga, shirkadaha soo saara batroolka iyo madaxda dalalka lagu tuhmayo kheraadka dabiiciga ah ee Africa, sida Soomaaliya.

Abdikarim Mursal Farah