1 min read
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan isagoo tacsi u diray qoysaska ay dadkooda uga dhinteen qaraxa.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/10/f1af88a4-8a87-4ee7-9676-7628ccb7166a.jpg)
Wuxuu amar ku siiyay wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha dowladda inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay qaraxyada.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sidoo kale ka codsaday shacabka inay sare u qaadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyadan ay Al-Shabaab uga golleeyihiin “in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda”.
Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii saaka ka dhacay Beledweyne.