1 min read

Baraha Bulshada. Been iyo Run.

Baraha Bulshada beryahaan waa ku wareeray. Maxaa laga wadaa?

1. Dayaarad Drone ah oo wado 6 Gantaal ayaa jahadii ka dhuntay, kadib markii Qooleey Xoowli dheer ku socoto ey soo dhinac martay.

2. Ukrine ayaa waxaa dhul ka qabsaday Ruushka, waxaana u sabab ahaa Koofur Africa oo aan Dagaalka ka soo qeyb galin.

3. Kaluun weyn oo ku soo caariyay Xeebta Mombay ee Hindiya,  waxaa la aaminsan yahay in falkaa uu  uu ka dambeeyay Mahad Salaad.

4. Shiikhow Riyadeyda waa la arki jiray, Xalay waxaan ku riyooday Xasan Shiikh oo Qoslaayo, Subaxaana Riyadii waa iga furantay, waxaa la arkay isagii oo Qoslaayo. Isga oo aan qosleeynba yaa arkay.

5. Manchester iyo Liverpool  ayaa ciyaarta Finalka ah ku wada ciyaari doono Garoonka “Qoob dooro”  ee Degmada Kaaraan.

6. Reer Hebel waa Fulayaal, Laakin la’aantood Dagaalka lagu guuleysan maayo.

7. Libaax ayaa  dhintay, dhakhaatiirta ayaa tiri: waxaa loo maleynaa in uu u dhintay qaniinyo Sac qaniinay Libaaxa.

8. Xaaskeyga oo qaawan ayaan baraha Bulshada soo dhigaa.

9. Dhax dhaxaad ayaan ka ahay Labada dhinac ee dagaalamayo, ma rabo in midkoodna uu guuleysto, Nabadna waa rabaa.

10. Bisado heshiis ah, Doolina heshiis la ah.

11. Ethiopia  ma leeyska kacaayay, mise waa la kala kacsaayay.

12. Lacag ha siin, Haddaad siisana Laba Cadaw ayaad yeelanee.

13. Saca Ninkii kici lahaa ayaa Sararta uga fadhiyo.

14. Deriska dagaalayo, Dowladaa kale Dollarkood ayaa Dab ka dhax shidayo.Siyaasina sooraa qaaday.

15. Naagtaan 3 ayaan ku furay, Laakin shiikhoow ha ila sii joogto Hal Sano oo Muddo kororsi ah.

Baraha Bulshada, Maalmahaan waxaa ku batay Hadalo Qofna si u yiri, Qofna si u qaatay, Adigu sideed u qaadatay 15 kaan Qodob. Hana Dambaabin.

Qore: Yahya Amir