1 min read

Faah faahin ku saabsan Qaraxyo xooggan oo maanta ka dhacay Baladweyne.

BELEDWEYNE — Saddex qarax oo laba ay is-xigxigeen ayaa maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.



Goobjoogayaal ayaa u sheegay weriyaha VOA in labada qarax ee hore oo saaka dhacay loo adeegsaday baabuur, lalana beegsaday xarunta Lamagalaay oo fadhiisin u ah madaxda maamulka HirShabelle iyo kuwa gobolka.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayey gaysteen labada qarax oo ka dhacay Bariga magaalada.

Qaraxa saddexaad oo dhacay galabta ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga magaalada Beledweyne. Waxaa weli yar faah-faahinada laga helayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Beledweyne waxay xuddun u ahayd abaabulka dadka degaanka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ciidanka dawladda iyo maleeshiyaadka degaankaas tuulooyin badan uga qabsadeen Al-Shabaab.

Qaraxyada ayaa imanaya saacado kadib markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareaysa Al-Shabaab, Maraykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo doollar.

Maraykanka kama hadal weli inay ka qaybgaleen hawlgalka ka dhacay Xaramka October 1-deedii.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaan xaqiijin islamarkaana beenin in la beegsaday Cabdullaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqaan Cabdullaahi Yare.