1 min read

Booliiska shan dal oo Yurub ah oo ugaarsanaya dadka wax tahriibiya.

Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa sheegay in booliska shan dal oo Yurub ka tirsan ay Talaadadii billaabeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha dadka wax tahriibiya, isla markaana ay fuliyeen hawlgal dad lagu soo qabqabtay.

Booliska magaalada Osnabrück ee waqooyi-galbeed ee Jarmalka oo lagu tiriyo xarunta dadka wax tahriibiya ayaa sheegay in booliska Belgium, Britain, France, Netherlands iyo Jarmalka ay weerareen dhowr goobood subaxnimadii Arbacada.

Bayaan uu soo saaray, booliiska ayaa wuxuu ku tilmaamay in ilaa 900 oo booliis ah la geeyay Jarmalka oo keliya, waxayna baareen 36 goobood waxayna xireen 18 tuhmaneyaal ah hawlgal ay sameeyeen Booliska Yurub “Europol” iyo hay’adda garsoorka ee Midowga Yurub “Eurojust”.

Ilaha garsoorka Faransiiska ayaa sheegay in hogaamiyayaasha burcadda la rumeysan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin Ciraaq, Afgaanistaan​​iyo Eritrea.