1 min read

Dagaal Muqdisho ku dhexmaray Booliska Soomaaliya iyo burcad hubeysan.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in sedex burcad ah lagu dilay iskadhacyo dhexmaray ciidanka amaanka iyo rag hubeysan xili uu socday hawlgal lagu baacasnayo rag hubeysan oo waayadan dhac iyo boob ka waday degmooyinka magaalada Muqdisho.

Askari boolis ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay iskahor’imaadyada xalay Xamar laga soo weriyay.

Dhawr iyo Sodon qof ayaa iyana loo xiray tuhunno la xiriira inay ku lug leeyihiin falalka burcadnimo ee Muqdisho ku soo kordhay maalmahan dambe.

Boolisku waxa kale oo ay sheegeen intii uu socday hawlgalku in lagu soo qabtay hub fudud oo ay isticmaalayeen kooxaha burcadda ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa BBC-da u sheegay inay qabteen 36 qof oo lagu eedeynayo burcadnimada iyo inay ka gacansanayeen daroogada isla markaana ay baarayaan.

Wuxuu intaa ku daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka falalka burcadnimada ah.