1 min read

Muxuu yahay heshiiska cusub ee maanta ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga?

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ayaa maanta ku kulmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Kulanka ayaa sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Dige waxaa looga wadahadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, amniga, iyo ganacsiga.

Agaasimaha warfaafinta ayaa BBC-da u sheegay in kulan gaar ah oo labada madaxweyne ay yeesheen looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardargelinta ganacsi ballaalaran oo dhexmara labada dal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Turkigu ay dhul siin doonto safaaradda Soomaliya ay ku leedahay dalkaas, dhulkaas oo safaaraddu ay dhawaan dhisan doonto.

Heshiiskan oo ay qalinka ku duugeen sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka deegaanka Turkiga ayaa ah heshiiska kaliya ee ilaa iyo hadda labada dhinac ay qalinka ku duugeen.

Booqashada wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee Turkiga ayaa maanta ku ekayd iyagoo dib ugu laaban doona Soomaaliya sida uu BBC-da us heegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.