23 Apr, 2024
1 min read

Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo Jabuuti ku geeriyooday.

Alle ha u naxariiste waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal, Jaamac Maxamed Qaalib. Jeneraal Jaamac Yare oo wayaadaan dambe macallin ka ahaa Jaamacadda ummadda ee Muqdisho ayaa sida ay wararku sheegayaan u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sannadkii 1933-dii ku dhashay Deegaanka […]

1 min read

RW Rooble: Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS waa inay la wareegaan ammaanka doorashada.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS uu u fasaxay in ay la wareegaan ammaanka goobta ay doorashadu ka dhacayso. Raysal wasaaraha ayaa qoraalka uu soo saaray ku yiri “Anigoo ka duulaya caqabadaha amni ee hortaagan dhamaystirka doorashada, waxaan u fasaxay […]

1 min read

Doorashada Guddoonka aqalka Sare oo goordhow ka dhaceysa Muqdisho.

Maanta oo talaado ah, waxaa magaalada Muqdisho lagu wadaa in lagu doorto guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo loo asteeyay 26-bishaan in la qabto. Guddiga guddoonka doorashada Golaha Aqalka ayaa sheegay in doorashada guddoonka ee golaha lagu qabanayo maanta teendhada Afisyooni taas oo ku dhextaal xarunta Xalane ee Muqdisho. Musharixiin dhowr ah oo […]

2 mins read

RW Rooble oo uga digay laamaha ammaanka carqaladaynta doorashada.

MUQDISHO – Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo xalay ka qayb galay xaflad lagu dhaarinayey 16-kii xildhibaan ee lagu doortay magaalada Ceelwaaq ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay soo weerareen hotelkii ay dhaarinta xildhibaanada ku qabanayeen. Guddoomiye Cabdisalaan ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee dawladdu ay ka hor istaageen inay […]

1 min read

Axmed Madoobe oo Farmaajo ku eedeeyay Weerarkii lagu qaaday gudoomiye Dhabancad.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Cambaareeyay weerarkii caawa lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JFS. Qoraal ka soo baxay Madatooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dambeeyay Madaxweyne Farmaajo. “Saraakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha […]

1 min read

Al-Shabaab oo lagu eedeeyay madaafiic shalay galinkii dambe lagu garaacay Awdheegle

Waxa goor sii horeysay la aasay maydka gabadh yar oo xalay ku dhimatay madaafiic lagu weerarray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale dhaawacyada shan qof oo kale oo ay ku jirto hooyo xaamilo ah ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho kuwaas oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen madaafiicda ku […]

1 min read

Xildhibaannadii Ceelwaaq lagu doortay oo la dhaariyay.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hotel Airport lagu dhaariyay xildhibaannadii Ceelwaaq lagu doortay. Wararka waxay sheegayaan in 16-ka xildhibaan laga hor istaagay in lagu dhaariyo Afisyooni iyo hotel Decale. Waxaa dhaarintooda goob ka ahaa guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo saraakiil ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federal.

1 min read

Sirdoonka Itoobiya oo qabqabtay rag Shabaab ah oo weeraro Qorsheenaayay.

Hay’adda sirdoonka iyo ammaanka qaranka ee waddanka Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtay 34 qof oo laga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, dadkan laga shakisanyahay ayaa waxa ay qorshaynayeen inay weerraro ka gaystaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo gobollo kale. Wakaaladdu waxa ay intaasi […]

1 min read

Tahriibayaal Afrikaan oo ku geeriyooday doon ku degtay xeebaha Tuunisiya.

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Tunisia ayaa sheegay in 27 qof oo tahriibayaal ah hadda la og yahay inay dhinteen kaddib markii dhowr doon oo ay saarnaayeen ay ku degeen xeebaha dalkaas. Sabtidii afar doonyood oo ay saarnaayeen boqol iyo labaatan tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaas oo doonayay inay gaaraan Talyaaniga, ayaa ku degtay meel u dhow […]