1 min read

Al-Shabaab oo lagu eedeeyay madaafiic shalay galinkii dambe lagu garaacay Awdheegle

Waxa goor sii horeysay la aasay maydka gabadh yar oo xalay ku dhimatay madaafiic lagu weerarray degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale dhaawacyada shan qof oo kale oo ay ku jirto hooyo xaamilo ah ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho kuwaas oo dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen madaafiicda ku dhacday Awdheegle.

Al-shabaab ayaa xalay dhawr iyo labaatan hoobiye ku weerartay xeryaha ciidmada dawladda ee ku yaala degmada Awdheegle.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa taleefanka Awdheegle kula hadlay gudoomiyaha Degmadaasi, Saalax Cabdiraxmaan Maxamed, wuxuna marka hore weydiiyay dhibaatada dadka rayidka ah ka soo gaartay madaafiicda ku dhacday Owdheegle.