2 mins read

RW Rooble oo uga digay laamaha ammaanka carqaladaynta doorashada.

MUQDISHO – Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo xalay ka qayb galay xaflad lagu dhaarinayey 16-kii xildhibaan ee lagu doortay magaalada Ceelwaaq ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay soo weerareen hotelkii ay dhaarinta xildhibaanada ku qabanayeen.

Guddoomiye Cabdisalaan ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee dawladdu ay ka hor istaageen inay kulan ku qabsadaan dhismayaal kala duwan oo dawladda ah, taasina ay ku khasabtay inay ugu dambayn ay dhaarinta xildhibaanada ku qabsadaan hotelka Decale oo ah mid gaar loo leeyahay.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey waxa uu ugu yeedhay ficillada gurracan iyo iskudayada lagu bartilmaameedsaday guddoomiyaha KMG iyo xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay taliyayaasha ciidamada booliska iyo nabad-sugiddu inay ku lug yeeshaan falal lagu carqaladaynayo habsami u socodka doorashada.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidan u dhignaa. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu uga digayaa taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa, shacabka Soomaaliyeedna waxa uu ka codsanayaa in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ee guddoonka KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.