1 min read

RW Rooble: Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS waa inay la wareegaan ammaanka doorashada.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay ku sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS uu u fasaxay in ay la wareegaan ammaanka goobta ay doorashadu ka dhacayso.

Raysal wasaaraha ayaa qoraalka uu soo saaray ku yiri “Anigoo ka duulaya caqabadaha amni ee hortaagan dhamaystirka doorashada, waxaan u fasaxay ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan ammaanka hangarka hawada, anagoo dhameystirnayna doorashada hoggaanka baarlamaanka iyo diyaarinta doorshada madaxweynaha”.

Si kastaba ha ahatee warkaan ayaa inmaanaya ayadoo maalinta berri ah lagu wado in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa, iyadoo dhanka kale uu guddoonka ku meelgaarka ah ee aqalka Hoose ee baarlamaanka uu eedayn u jeediyey booliiska Soomaaliya oo uu sheegay in ay “weerar” ku soo qaadeen.

Eedaymahaas oo booliiska Soomaaliya ay beeniyeen.