1 min read

Doorashada Guddoonka aqalka Sare oo goordhow ka dhaceysa Muqdisho.

Maanta oo talaado ah, waxaa magaalada Muqdisho lagu wadaa in lagu doorto guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo loo asteeyay 26-bishaan in la qabto.

Guddiga guddoonka doorashada Golaha Aqalka ayaa sheegay in doorashada guddoonka ee golaha lagu qabanayo maanta teendhada Afisyooni taas oo ku dhextaal xarunta Xalane ee Muqdisho.

Musharixiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku tartamaya maanta doorashada Guddoomiyaha, Ku-xigeenka Koowaad & Labaad.

Hoolka doorashada lagu qabanayo ee teendhada Afisyooni waxaa haatan ka socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan xubnaha Guddiga guddoonka doorashada ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa saakay xiran qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa soo gala teendhada Afisyooni, waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa qalabka sida oo iskugu jira Militari iyo Booliis kuwaa oo sugaya ammaanka guud.

Ciidamada ayaa waddooyinka xiran u diidaya in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha, halka kuwa qaar loo diidayo inay lugtooda maalaan shacabka, waxaana ka mid ah waddooyinkaas Isgoyska Ceel-gaabta.