1 min read

Xildhibaannadii Ceelwaaq lagu doortay oo la dhaariyay.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hotel Airport lagu dhaariyay xildhibaannadii Ceelwaaq lagu doortay.

Wararka waxay sheegayaan in 16-ka xildhibaan laga hor istaagay in lagu dhaariyo Afisyooni iyo hotel Decale.

Waxaa dhaarintooda goob ka ahaa guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo saraakiil ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federal.