1 min read

Kenya oo ay ku soo badanayaan kiisaska arxan darrada ee ay boolisku gaystaan.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ee ka howl gala dalka Kenya ayaa sheegay inay kordheen kiisaska la xiriira arxan daradda booliska iyo dadka lagu waayo gacanta laamaha amaanka.

Amnesty international ayaa sheegtay inay ogaadeen in sanadkii hore ay jireen 189 kiis oo la xiriira dilalka sharci daradda ah ee ay geysteen booliska Kenya.

Waxay sheegtay in inkabadan 30 kamid ah kiisaskaasi lala xiriiriyay hal saldhig oo boolis oo ku yaalla xaafadda Pangani ee magaalada Nairobi.

Warbixinta ayaa sidookale sheegeysa inay korodhay tirada dadka la waayo kaddib markii xabsiga la geeyo, iyadoo ugu yaraan 30 qof oo laga shakisanaa aanan la ogayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen