2 mins read

Beesha Caalamka Oo sheegtay In aan La Oggolaan Carqaladeynta Dhameystirka Doorashada Dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay xubnaha Beesha Caalamka ayaa looga hadlay doorashadii guddoonka Golaha Aqalka Sare ee shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyay & tan maanta lagu wado inay dhacdo oo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ah, xili ay ka socoto qaban qaabada doorashada guddoonkaas xarunta teendhadaAfisyooni ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka xubnaha beesha Caalamka ayaa lagu booriyay in doorashooyinka lagu soo gabagabeeyo si nabdoon, iyaga oo soodhaweeyay doorashadii shalay ee do Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26-kii bishaan Apriil 2022, Kadib dib-u-dhacii dheeraa oo ay lasoo kulantay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya. Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon, waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale,  waxaa war-saxaafadeedka wadajie ah lagu sheegay in aan la ogolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo dhammaan madaxda Soomaaliyeed lagu booriyay inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta.

“Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.” Ayaa ugu dambeyn lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay xubnaha beesha Caalamka.

Bayaankan ayaa u qornaa sidan:

-Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.