1 min read

Doorashada oo billaabatay iyo Xildhibaannada Ceelwaaq oo coddeyn doonin.

Waxaa goordhow Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka billaabatay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada Hoolka ku sugan ayaa tiradoodu tahay 257, kuwaasi oo Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu sheegay in aysan 17 kamid ah Coddeyn doonin.

16 Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq oo hoolka ku sugan ayaa loo diiday in ay Coddeeyaan.

Ugu horreyn waxaa lagu galey Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo aad u adag, isla markaasna ay u sharraxan yihiin Musharixiin gaareysa 7 musharax.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka,, Maxamed Mursal ayaa isaga haray tartanka Doorashada.