07 May, 2024
1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Isimada Dhaqanka Gobolka Sool maxay ka wada hadleen?.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka  Sool. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda […]

1 min read

Madaxweynaha Mareykanka oo usoo hambalyeeyay Erdogan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Recep Tayyip Erdoğan, isagoo ugu hambalyeeyay mar kale xilka madaxtinimada. Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor inta uusan ka tagin Aqalka Cad, ayuu Biden sheegay in Erdogan uu kusoo qaaday iibinta diyaaradaha dagaalka ee F16, isagoo dhanka kalena ka hadlay xubinnimada Sweden ee NATO, sida ay […]

1 min read

Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hawada sare ka samayn doono sahan ballaaran.

DUBAI – Dalka Isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System). Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood […]

1 min read

Niger oo sheegtay inay dishay 55 xubnood oo ka tirsan urur xiriir la leh Daacish.

NIAMEY, NIGER – Ciidamada dalka Niger ayaa Isniintii sheegay inay dileen 55 xubnood oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee xidhiidhka la leh ururka Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare. Hawlgalkan oo socday muddo 22 maalmood ah, ayaa la soo gebagebeeyey maalinimadii Axaddii, iyada oo la bartilmaameedsaday goobaha ay ka degan yihiin kooxaha […]

1 min read

Kulankaasi sanadlaha ee jaaliyada Zwolla ee dalka Holland

Kulan Sanadlaha ahaa ayaa jaaliyada soomaliyed ee kudhaqan magalada Zwolla lugu qabtay. Kulankaasi ayaa waxaa lugu soo bandhigay wax qabadka jaaliyada sanadkii tagay iyo sanadkan hada socoda hoolka ay higsanayaan jaaliyada soomaliyed ee ku dhaqan magalada Zwolla iyo nawaxigeyda. Gudoomiyaha jaaliyada Zwolla Cabdulqadir Cali Nuune mar uu lahadlayay shacabka jaaliyada waxaa uu shegay sanadiihi adkay […]

1 min read

Isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka dhacay Muqdisho +Sawirro.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS  Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa galabta ka qeyb galay dibadbax nabadeed oo ay Bulshada magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdogan. Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa […]

11 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka JFS+Sawirro.

1. Guddoonka labada gole ee BFS; 2. Ra’iisul Wasaaraha XFS 3. Xildhibaanada labada gole ee BFS; 4. Mudanayaal iyo marwooyin. Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu; Ugu horreyn, waxaan u mahadcelinayaa ALLE SWT ee inoogu nimceeyay in si nabad ah isugu nimaanno goobtaan si aan u gudano waajib ka mid ah waajibaadyada ay shacabkeena inoo xilsaaray. Marka […]

1 min read

Mauricio Pochettino muxuu ka beddeli karaa kooxda ay musiibadu ku dhacday ee Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa u magacawday macallinkooda cusub tababarihii hore ee kooxaha Tottenham iyo Paris St-Germain ee Mauricio Pochettino. Xiddiga reer Argentine, oo 51 jir ah, ayaa shaqadiisa cusub ay bilaabaneysaa 1da July ee sanadkan 2023 isaga oo qalinka ku duugay heshiis laba sano ah, sanad dheeraad ahna uu dookh u yahay. Tababaraha ku meel gaarka […]