1 min read

Mauricio Pochettino muxuu ka beddeli karaa kooxda ay musiibadu ku dhacday ee Chelsea.

Kooxda Chelsea ayaa u magacawday macallinkooda cusub tababarihii hore ee kooxaha Tottenham iyo Paris St-Germain ee Mauricio Pochettino.

Xiddiga reer Argentine, oo 51 jir ah, ayaa shaqadiisa cusub ay bilaabaneysaa 1da July ee sanadkan 2023 isaga oo qalinka ku duugay heshiis laba sano ah, sanad dheeraad ahna uu dookh u yahay.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Frank Lampard ayaa kooxda soo dhigay kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka premier League taas oo ahayd tii ugu hoosaysay muddo ka badan 25 sano.

“Mauricio waa tababare heer caalami ah oo leh rikoor fiican, dhamaanteen waxaan rajeyneynaa inaan isaga fursad u siinno garoonka,” ayay kooxdu ku tiri warbixin ay soo saartay.

Chelsea ayaa sheegtay in Pochettino uu ahaa dooqa koowaad iyo tababaraha kaliya ee kooxda loo keenay wadahadal.

Wuxuu la shaqeyn doonaa agaasimayaasha isboortiga Paul Winstanley iyo Lawrence Stewart.

“Waa tababare guuleysta, kaasoo ka soo shaqeeyay heerarka ugu sarreeya, horyaalo iyo luqado badan. Hab-dhaqankiisa, habka taatikada iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta ayaa dhammaantood ka dhigay musharaxa gaarka ah.” Winstanley iyo Stewart ayaa ku yiri hadal ay soo saareen.

Pochettino waa tababarihii lixaad ee joogtada ah ee Chelsea muddo shan sano ah ka dib markii la ceyriyay Thomas Tuchel iyo Graham Potter horaantii xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in Lampard uu si ku meel gaar ah u qabto.

Chelsea ayaa soo bandhigtay xilli ciyaareed aad u liita, waxaana ay guuldaro kala kulantay Manchester City wareega seddexaad ee labada koob ee FA Cup iyo League Cup.

Waxa ay sidoo kale guuldarro kala kulantay kooxda Real Madrid wareega 8-aad ee tartanka champions League taas oo soo afjartay rajadii laga qabay in ay xilli ciyaareedka dambe u soo baxdo Yurub.