1 min read

Colaada Sudan oo laga gaadhay heshiis cusub oo xabad-joojin ah.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa heshiis ku gaadhay inay wakhtiga u kordhiyaan heshiiska xabbad-joojinta ah ee aan cagaha adag ku taagnayn, ka dib markii laba ka mida dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ahi ay muujiyeen sida ay uga niyad jabsan yihiin xadgudubyada soo noqnoqda ee ka dhanka ah heshiisyada xabbad joojinta ah ee ay labada dhinac saxeexaan.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey shan maalmood oo xabbad joojin ah, sida ay xilli dambe oo Isniintii ah ay shaaciyeen Maraykanka iyo Sucuudigu.

Qoraal ay soo saareen Maraykanka iyo Sucuudigu ayaa lagu sheegay, “in wakhtiga loo kordhiyey heshiiska xabbad-joojinta ahi, inuu fursad siin doono in dadka tabaalaysan la gaadhsiiyo gargaar bini’aadanimo, lana soo celiyo adeegyadii aasaasiga ahaa, iyo in la helo fursad ay labada dhinac kaga wada xaajoodaan, heshiis xabbad-joojin ah oo wakhti dheer socda”.

Heshiiskan ayaa yimi, ka dib baaq ka soo baxay Axaddii, Maraykanka iyo Sucuudiga oo u soo jeediyey labada dhinac, inay sameeyeen xadgudubyo ka dhan ah heshiiska xabbad joojinta ah ee wakhtigiisu dhamaanayey xilli dambe oo Isniinta ah, halkii ay labada dhinac ka ixtiraami lahaayeen heshiisyada ay gaadhaan.

AP