1 min read

Madaxweynaha Mareykanka oo usoo hambalyeeyay Erdogan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Recep Tayyip Erdoğan, isagoo ugu hambalyeeyay mar kale xilka madaxtinimada.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor inta uusan ka tagin Aqalka Cad, ayuu Biden sheegay in Erdogan uu kusoo qaaday iibinta diyaaradaha dagaalka ee F16, isagoo dhanka kalena ka hadlay xubinnimada Sweden ee NATO, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.