17 May, 2024
1 min read

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Taliye Saldhig oo ku eedeysnaa inuu dil geystay.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa taliyihii Saldhigga booliska Heliwaa, ahaana Kabtan ka tirsan ciidanka Booliska iyo Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo ahaa Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha. Xukunka ayaa ah Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay ku eedeysnaayeen in ay dileen 4/02/2024. Sidoo kale Maxkamadda ayaa […]

1 min read

Wafdi ka socda Puntland ah oo booqasho ku tagay Itoobiya.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullahi Bile Nuur ayaa Adis-Ababa kula kulmay Wasiiru-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin Tasew Bekele. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor […]

1 min read

RW Xamza “Jaaliyadda Soomaalida ee South Africa, ahmiyad gaar ah ayey inoo leedahay..”

MOGADISHU | Markaa tahay Masuul Qaran, waxaad Masuuliyadooda qaaday Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastay joogaan waana waajib Dastuuri ah. R/wasaaraha Xukuumadda Somalia Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan afur ahaa ku qaabilay Mudane Zaki Abdi Mahamuud oo kamid ah Hogaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobalka Eastern Cape ee Dalkani Koonfur Afrika iyo xubno la socday, isagoo markii […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Masjidka Nebigeena Muxammed (NNK)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara. Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo […]

1 min read

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo faragalin qaaran ku haysa dowladda Soomaaliya. waxay ku dhawaaqday billowga dhowr tallaabo oo diblomaasiyadeed. Go’aankan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirada ee looga jawaabayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga […]

1 min read

Agaasimihii NISA oo xil ka qaadis.lagu sameeyay iyo agaasime cusub oo la magacaabay.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo […]

1 min read

RW Xamsa oo ka qeybgalay kulan afur ah oo loogu mahadcelinayay Guddoonka BJFS+Sawirro.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad afur ah oo loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Deg Deg ah ku tagay dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, […]