Wafdi ka socda Puntland ah oo booqasho ku tagay Itoobiya.
1 min read

Wafdi ka socda Puntland ah oo booqasho ku tagay Itoobiya.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullahi Bile Nuur ayaa Adis-Ababa kula kulmay Wasiiru-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin Tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor u qaadista duulimaadyada diyaaradda Itoobiya ee Boosaaso iyo Garowe, iyada oo lasoo kordhinayo Duulimaad xammuul ah.”

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya .

Horey waxa u booqday Itoobiya wafdi ka socda Wasaaradda Maaliyadda Puntland