Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Masjidka Nebigeena Muxammed (NNK)
1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Masjidka Nebigeena Muxammed (NNK)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.