Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Taliye Saldhig oo ku eedeysnaa inuu dil geystay.
1 min read

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Taliye Saldhig oo ku eedeysnaa inuu dil geystay.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil-toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa taliyihii Saldhigga booliska Heliwaa, ahaana Kabtan ka tirsan ciidanka Booliska iyo Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo ahaa Dable Gacanyare u ahaa Taliyaha.

Xukunka ayaa ah Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay ku eedeysnaayeen in ay dileen 4/02/2024.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay darajadii ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye & Dable Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kalena Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Baasaboor kenyaan ah, kaas oo ku eedeysnaa in uu ahaa abaabulihii kiiska dilka, kanasoo agaasimay Dubai, Imaaradka Carabta .

Maxamed Caddaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan diiwaanka ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo xabsi ciidan ah, halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isna lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku waysay.

Sidoo kale maxakamaddu waxa ay sheegtay in xukunkaasi uu Racfaan ka furanyahay.