RW Xamza “Jaaliyadda Soomaalida ee South Africa, ahmiyad gaar ah ayey inoo leedahay..”
1 min read

RW Xamza “Jaaliyadda Soomaalida ee South Africa, ahmiyad gaar ah ayey inoo leedahay..”

MOGADISHU | Markaa tahay Masuul Qaran, waxaad Masuuliyadooda qaaday Muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastay joogaan waana waajib Dastuuri ah.

R/wasaaraha Xukuumadda Somalia Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan afur ahaa ku qaabilay Mudane Zaki Abdi Mahamuud oo kamid ah Hogaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobalka Eastern Cape ee Dalkani Koonfur Afrika iyo xubno la socday, isagoo markii uu Zaki ka warbixiyey Xaaladaha ay ku sugan yihiin Soomaalida South Africa kadib uu R/W Xamse yiri hadalka miisaanka leh….👇

“Jaaliyadda Soomaalida ee South Africa, ahmiyad gaar ah ayey inoo leedahay, waxayna ku ammaanan yihiin sida ay had iyo jeer ula socdaan Marxaladaha kala duwan ee Dalka, islamarkaana si xoog leh isugu xilqaamaan marka uu Wafdi Dowladeed u yimaado……..dhawaana maadaama aan arrimihii Dastuurka ku jirnay, hadda waxaanu bilaabaynaa Safaro aanu ugu kuurgalayno Xaaladaha ay wajahayaan Umadda Soomaaliyeed ee Dibadaha inooga maqan…..SOUTH AFRICA-na Kaalinta 1aad ayey inoogu jirtaa oo waanu imaanaynaa mar dhow…”.

Prime Minister-ka ayaa sidoo kale Xafiiskiisa ku qaabilay Jaaliyado kale oo Soomaaliyeed oo Maraykanka iyo Dalalka Yurub ka kala yimid, taasoo qeyb ka ah ka warqabka Dowladdu ku xoojinayso soo afjaridda Caqabadaha kala duwan ee Qurbaha ku haysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Abdulrazak IndhaJaceyl.