Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood.
1 min read

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo loo qabtay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo faragalin qaaran ku haysa dowladda Soomaaliya. waxay ku dhawaaqday billowga dhowr tallaabo oo diblomaasiyadeed.

Go’aankan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirada ee looga jawaabayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, kuwaas oo ku xad-gudbaya madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay tallaabooyinkaan:-

1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaaliya.

2- In muddo toddoba maalmood gudahood ah lagu xidho Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sameeyo.

Tallaabooyinkan ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ku sheegtay in loo qaaday si loo ilaaliyo madaxbannaanida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.