Nasashadda Jimcaha. Q- 403=Sirtii Qarankaaba Suuqa taal.=
1 min read

Nasashadda Jimcaha. Q- 403=Sirtii Qarankaaba Suuqa taal.=

1. Si kasta oo aad Mindidaada u Soofeeyso, marna suuragal mahan in Minididaadu ay Biyaha kala dilaaciso. Dhakhtar, ku wanaagsan kuna takhasusay Cudurada qaar haddii aad tahay waxaa dhici karto in aad u dhimato isla cudurkii aad ku takhasustay. (F.S:1aad).

( Qadarka Alle waa ka horeeyay Aqoontaada)

2. Adiga oo Sooman oo Dhar Ciidaad Carrurta u iibinaa, Haddii Gabar aan Sooneeyn oo kaba Cirba dheer wadato ay Lugtaada kula istaagto,oo ay Af- Ingriis kugu tiraa ” Sorry” ayna iska dhaqaaqdu. (F.S:2aad)
( maxaad sameeyn leheyd?)

3. Shimbiruhu waxa ay Cunaan Quraanshada. Quraanshaduna waxay ku dhamaataa Caloosha shimbiraha, ugu dambeynna Shimbirta lafteedu waxay ku dambeysaa Caloosha Quraanshada. (F.S:3aad)

( Makhluuqa Alle Qaarkood iygaa la iska quudiyaa, Awoodna kuma xirno. Awoodda Beni aadamkuna marba dhinac ayeey jirtaa)

4. Aduunyada Nimcada ugu weeyn ee Allaah ku siiyay waxaa ka mid ah in aad Muslim tahay.
a) Nabi Ibrahim CS, waxa uu Allaah ka baryay in Aabe Aazur uu Muslimo, lagama aqbalin.
b) Nabi Nuux CS waxa uu Allaah ka baryay in Wiilkiisu uu muslimo, lagama aqbalin. c) Nabi Muxamed CSW waxa uu Allaah ka baryay in Adeerkii uu Muslimo, lagama aqbalin.

Adiguna, Adiga oo aan weeydiisan ayaa Alla kuu dooray in aad Muslim noqoto.(F.S:4aad)

(Miyaadan ku shukrineyn Nimcadaa.)

5. Sirtaada Qofna ha u sheegin Xata imaamka Masjidka, waxaa laga yaabaa in uu khudbada Jimcada uu ku soo daro: Akhwaan Jamaacdad ka tirsan ayaa igu yiri, isaga oo aan magacaaga sheegin, Laakin Dadku ay u fahmaan Adiga.

( Sirtii Qarankaaba Suuqa taal)

6.Haddii Dad Masaakiin ah aad Sadaqo siinee, ka soo tag. Kaamarada. ( F.S:5aad)

( igu Sawirta qaar iska ilaali)

Qore: Yahya Amir