02 May, 2024
1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda 1-da Luuliyo+Sawirro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano […]

1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Uganda Tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Muqdisho:- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo uu sheegay Ciidankan oo tiro ahaan dhan 3000 ayuu wasiirka Gaashaandhigga XFS sheegay in dhiig cusub ku soo kordhin doonaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo. “Wasaaradda […]

1 min read

Shir looga hadlayay u diyaar garowga xuska 1da Luuliyo oo lagu qabtay Stadium Muqdisho,+Sawiro

Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubbaridka dabaaldaga munaasabada 1-da Luuliyo ayaa waxa uu ka qabsoomay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabadda 1-da Luuliyo. Kulankani oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddiga heer […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh “Lama inkiri karo la dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada..”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo. Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la […]

1 min read

Wasiirro iyo maxkmaadda ciidamada oo gaaray Baraawe iyo amar la dul-dhigay askarta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose. Dhammaan masuuliyiintaas ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo […]

1 min read

Hay’adda Socdaalka oo ugu deeqday Ciidanka Xasilinta Caasimadda laba Neef oo Geel ah .

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), ayaa Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay laba Neef oo Geel ah, kuwaas oo Saraakiisha Hay’addu ugu deeqeen Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Hay’dda, ayaa sidoo kale ku dhiirageliyay Hay’adaha kale ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya in ay isxilqaamaan oo […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalkeenna ayaa kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo  hirgaliyo  hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo […]

1 min read

Ra’iisul Wasaaraha oo Daah-Furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuuudiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii […]

1 min read

Wasiirka Gashaandhigga XFS oo cadeeyay Xiliga ay bilaabanayso ka bixtaanka dalka Ciidanka ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS. Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa […]

11 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka JFS+Sawirro.

1. Guddoonka labada gole ee BFS; 2. Ra’iisul Wasaaraha XFS 3. Xildhibaanada labada gole ee BFS; 4. Mudanayaal iyo marwooyin. Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu; Ugu horreyn, waxaan u mahadcelinayaa ALLE SWT ee inoogu nimceeyay in si nabad ah isugu nimaanno goobtaan si aan u gudano waajib ka mid ah waajibaadyada ay shacabkeena inoo xilsaaray. Marka […]