1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Uganda Tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Muqdisho:- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo uu sheegay

Ciidankan oo tiro ahaan dhan 3000 ayuu wasiirka Gaashaandhigga XFS sheegay in dhiig cusub ku soo kordhin doonaan dagaalka Khawaarijta dalka looga xoreynayo.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waxaa ka go’an in la kordhiyo tirada iyo tayada Ciidanka Xooga Dalk, waxaan u mahadcelinaayaa Dowlada UAE iyo Uganda taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Munaasabada tababarka lagu soo xirey waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga dalka Uganda, taliyaha ciidanka Uganda iyo Taliyaha ku-xigeenka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.