1 min read

Wasiirka Gashaandhigga XFS oo cadeeyay Xiliga ay bilaabanayso ka bixtaanka dalka Ciidanka ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, ayna mas’uuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Safiir Mohammed El-Amine Souef, ayaa Wasiirka uga mahadceliyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta Saraakiishii u timid in ay uu kuur galaan hanaanka bixitaanka Ciidanka ATMIS.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa u mahadceliyay Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika doorka ay ka qaateen Xasilinta iyo amniga dalka isagoo sidoo kale, tilmaamay in tilaabo wanaagsan la gaaray oo ah in ay maanta Ciidanka xoogga dalka ku filan yihiin in ay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha la isla gartay.

Qorshaha kala wareegida amniga ATMIS wuxuu u socon doonaa sida loogu talagalay ilaa Askariga u dambeeyay dalka ka bixi doona dhammaadka December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.