1 min read

Shir looga hadlayay u diyaar garowga xuska 1da Luuliyo oo lagu qabtay Stadium Muqdisho,+Sawiro

Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dubbaridka dabaaldaga munaasabada 1-da Luuliyo ayaa waxa uu ka qabsoomay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabadda 1-da Luuliyo.

Kulankani oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddiga heer Qaran iyo heer gobol ee isku dubbaridka munaasabadda maalmaha xorriyadda, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda cayaaraha dalka.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha xorriyadda Axmed Macalin Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabadda dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaas.