1 min read

Hay’adda Socdaalka oo ugu deeqday Ciidanka Xasilinta Caasimadda laba Neef oo Geel ah .

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), ayaa Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay laba Neef oo Geel ah, kuwaas oo Saraakiisha Hay’addu ugu deeqeen Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Hay’dda, ayaa sidoo kale ku dhiirageliyay Hay’adaha kale ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya in ay isxilqaamaan oo ay ka qeybqaataan taageerada Ciidamada Amnig Caasimadda iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiiru-dawlaha Amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa oo ka guddoomay Agaasimaha guud labada Neef ee Geel ah, ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Hay’adda garab istaaga ay u sameeyeen Ciidanka Xasilinta Caasimadda.