1 min read

Wasiirro iyo maxkmaadda ciidamada oo gaaray Baraawe iyo amar la dul-dhigay askarta.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhammaan masuuliyiintaas ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta qaar iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dardaarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.