Wararka
Ruushka oo sheegay inay dileen 250 askari oo Ukraine ah.
Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay fashilisay weerar culus oo ciidamada Ukraine ay kusoo qaadeen, ayna ku dileen 250 askari oo Ukraine ah. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kyiv, sidookale sheegashada Ruushka si madax bannaan looma xaqiijin. Wasaaradda difaaca Ruushka waxa ay sheegtay in Ukraine ay axaddii weerar kuso […]
Sacuudiga oo dhimaya xadiga shidaalka uu maalintii soo saaro.
Wadamada saliida soo saara ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dhimista wax soo saarka si ay kor ugu qaadaan qiimaha caalamka. Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay dhimi doonto hal milyan oo fuusto maalintii (bpd) bisha Luulyo waxayna Opec+ sheegtay in bartilmaameedyadu hoos u dhici doonaan 1.4 milyan bpd dheeraad ah laga bilaabo 2024. Opec+ ayaa […]
Taliyaha booliska gobolka Bari oo ka hadlay fal qoys lagu dhibaateeyay.
Booliska magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shan nin oo baraha bulshada lagu baahiyay iyagoo si xun ula dhaqmaya qoys gurigooda joogay xilli habeennimo ah. Ragga ayaa la sheegay in ay ka caradoodeen gabar qoyskaas ka tirsan oo Yurub ku nool taasoo lagu eedeeyay in ay aflagaadaysay beesha raggaas aya ka soo […]
Wariye Bushaaro Baanday oo maanta mar kale loo jaray 7 maalmood oo rummaan ah
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta 7 maalmood oo rummaan ah ( xabsi ku sii hayn ) u jartay wariye Bushaaro Baanday. Wariye Bushaaro Cali Baanday oo in muddo ah ku xidhan Hargeysa ayay marar dhawr maxkamadu u jirtay rumaan xabsi ku hayn ah, iyada dhawr jeer laga soo dayriyay xaaladeeda caafimaad islamarkaana loola cararay cisbitaalka.
Sarkaal sare oo ka goostay ciidanka qaranka Somaliland
Waxaa magaalada Buuhoodle lagu soo dhaweeyay Abaanduulihii 2aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, isagoo halkaasi kaga dhawaaqey in uu iska casilay xilkaasi. Wuxuu sheegay in uu dadkiisa la fikir noqday, isla markaana wixii talo ah uu iyaga ku biirin doonno. General Saleebaan Barre Geesood ayaa mar lagu sameeyay shaqo joojin intii […]
Maydadka lix ruux oo shalay ku dhintay dagaal Beeleed oo maanta Mudug lagu aasay.
Maydadka lix qof oo ku dhintay dagaal beeleed shalay ka dhacay Gobolka Mudug ayaa maanta lagu aasay deegaanno hoostaga magaalada Afbarwaaqo. Dagaalka dadkan ay ku dhinteen oo ka dhacay miyiga tuulada Qoryo Weyn oo qiyaastii 10 km galbeed ka xigta Afbarwaaqo ayaa dhexmaray xoolo dhaqato aaggaasi ku wada nool, sida ay BBC-du u sheegeen dad […]
Shirweynaha Xakameynta faafinta wararka been abuurka oo Muqdisho ka socda.
Shirweynaha xakameynta faafinta wararka been Abuurka iyo saameynta bulshada ay ku leeyihiin oo ayaa Muqdisho ka socda maalinkii labaad. Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre,iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameyn lahaa wararka been abuurka oo sameeyn ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxaa maanta lagu wadaa in shirkaa […]
Kenya oo malaayiin lacag ah ku bixineysa la-dagaallanka Al-Shabaab.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa shaacisay in malaayiin lacag ah ay ku bixineyso la-dagaallanka ururka Al-Shabaab. Waxaa kaloo ay wasaaraddu sheegtay in kowda bish soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa. Kenya ayaa degaano katirsan waxaa dhowr jeer weeraro khasaaro geystay ka fuliyay […]
Madaxweynaha Uganda oo shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen ciidamadiisa.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya. Hadalka Museveni ayaa imaanaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee […]
Yaa Argagixiso ah? = Faallo =.
Su’aashaas Mar la i weydiiyay ayaan ku jawaabay. Erayga Argagixiso wakhtigaan dambe waxa uu noqday Eray Siyaasadeed. Khaasatan dhinaca Reer galbeedka. Qofba, Qofkii uu necebyahay ama uu dhib uga baqayo ayuu Argagixiso ku shaabadeeyaa. Arday haddii la weeydiiydiiyo waxa laga yaabaa in uu ku yiraa Macalinkeeyga ayaa ah, israel haddii la weeydiiyo Falastiin ayaa ah […]