1 min read

Doorashada Puntland waa mid lagu tilmaamay Taariikhi.

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin degaan oo taariikhi ah.

30 degmo oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ka socda codeynta xubnaha golaha deegaanka.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa sheegay in 319,507 ay isdiiwaan galiyeen codeynta, lana filayo in ay ka qayb qaataan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac dhanka ammaanka ah oo ka dhashay khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Saacid C/llaahi Deni iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda oo ku eedeeyay inuu qorsheynayo muddo kororsi.

Ciidamo hubeysan oo ka wada tirsan mucaaradka ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen sanaadiiqda codbixinta ee laga raray magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi, lana geeyey xarumo kale.

Guddiga doorashada ayaa sidaas darteed dib u dhigay howsha saddex degmo, oo ay ku jirto caasimadda gobolka oo ay ka dhaceen iska horimaadyo 15-kii May. Labada degmo ee kale waa Dangorayo iyo Godobijiiraan.

Iyadoo ay jiraan khilaafaadyo siyaasadeed, codbixiyayaashu waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay ka qaybqaataan waxa ilaa hadda ah geeddi-socod nabadeed.