1 min read

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigay hub iyo dad lala xiriirinayo khawaarijta.

Howlgal qorsheysan oo ay  ciidamada ammaanka ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo qabteen hub, Qaraxyo Gaadiid iyo dadkii waday.

Ciidamada ammaanka ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah hubkii maanta ay ku qabteen howlgalka, kaasi oo sidoo kale lagu qabtay Gaari, Gurigii hubkaan lagu diyaariyay iyo laba ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay yihiin dhagarqabeyaal Khawaarijta ka tirsan.

Hay’adaha Ammaanka ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan dhagarta aan muuqan ee khawaarijta, iyagoo dhawaan dekadda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo khawaarijta loo waday.