1 min read

Horjooge Cismaan Maxamed Cabdi oo xaalad darran ku sugan.

Xaaladda caafimaad ee Horjoogihii dhowaan lagu dhaawacay degmada Jilib ayaa xog ay heshay Warbaahinta Qaranka waxa ay sheegaysaa in uu ku sugan yahay Xaalad xaafimaad darro oo aad u liidata.

Horjooge Cismaan Maxamed Cabdi (Macalin Cismaan) oo labo habeen ka hor lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe ayaa ku sugan xaalad aad u halis ah.

Horjoogahan ayaa lagu sameeyey qalliino kala duwan ka dib dhaawac culus oo kasoo gaaray duqayn ay iska kaashadeen Ciidanka qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah waxa uuna ku sugan yahay xaalad Miyir doorsoom ah.

Horjoogahaan waxa uu ahaa danbiile la daba joogay oo mas’uul ka ahaa in uu Dalka kusoo hogaamiyo Khawaarij ajaanib ah sidaas oo kale wuxuu ka shaqaynayay in uu soo waarido Afkaarta Khawaarijta.