1 min read

Ciidamda Dowladda oo mar labaad soo bandhigay Hub labaad oo lagu soo qabtay guri ku yaal deg. HODAN.

Ciidanka Amniga oo wali ku jira howlgal ay ka wadaan xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay gacanta ku dhigeen nuucyo ka mid ah dharka ciidanka, Hub kale oo ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas badan.

Hubkaan iyo agabka kale waxaa lagu qariyay Guri ku yaala Xaafadda Tarabuunka oo ciidamadu ay ka soosaareen, waxaana ilaa iyo hadda ciidamadu ay gacanta ku haayaan laba eedeysane oo loo haysto arrinkaan.

Sida ay saraakiisha Ciidamada ammaanka u sheegeen Warbaahinta Qaranka waxaa jira shaqsiyaad lagu daba joogo, kuwaas oo baxsad ah.